Till Somaliska - Soomaali startsida

Här kan du läsa om den socialdemokratiska politiken i Västerås på fler språk än svenska. Längre ner på sidan finns också Socialdemokraternas plan för Sverige att läsa på sjutton olika språk!

Mar walba waxaanu garab taaganahay dadka reer Västerås

Västerås waa magaalo xooggan, laakiin taasi waa inay ka muuqataa nolol maalmeedka dadka.

Waxay ku saabsan tahay in dhammaan carruurtu ay dhigtaan dugsi ammaan ah oo wanaagsan. In dadku ay ammaan ku dareemaan meelaha xaafadaha ay deggan yihiin. In waayeelka la siiyo daryeel sharaf leh. Iyo in degmada lagu maamulo mas'uuliyad iyo aragti fog.

Inta lagu jiro muddo xileedkan waxaan samaynay dadaalo weyn si loo kordhiyo ammaanka, kordhinta mushaharooyinka macalimiinta oo laba tallaabo ahayd isla markaana waxaanu fulinay dadaalka tayada daryeelka waayeelka.

Mustaqbalka waxaanu rabnaa inaanu sii wadno dhisidda Västerås ammaan ah oo wadajir ah – looguna talogalay carruurta, dadka waaweyn iyo waayeelka jooga magaalada oo dhan.

Dadka oo dhan waa inay ammaan ku dareemaan gudaha Västerås

Waxaan rabnaa inaan abuurno Västerås ammaan ah iyadoo loo marayo xoojinta wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada rayidka ah. Waxaanu sidoo kale fulinaa in la abuuro aaminaadda mustaqbalka iyo wakhti firaaqo micno badan leh oo loogu talogalay dhammaan carruurta iyo dhalinyarada taas oo aanu ku casuuno waxyaabo ay ka mid yihiin shaqooyinka xilliga xagaaga oo badan, goobo tababar shaqo oo leh mushahaaro iyadoo loo marayo waxa lagu magacaabo shaqooyinka SAO.

100 milyan oo loogu talagalay carruurta iskuulka dhigata

Waxaan rabnaa inaan 100 milyan oo karoon ku maal-gelino carruurta dhigata iskoolka si loo abuuro fursado fiican dhanka waxbarashada, ammaanka iyo horumarka. Iyadoo la adeegsanayo macallimiin aqoon leh oo badan, xoojinta caafimaadka ardayda iyo dadaalo ku jiheysan ardayda u baahan taageero badan ayaanu ilmo kasta ku siin karnaa fursad caddaalad ku salaysan oo ah in la guuleysto.

Daryeel waayeel oo ammaan ah loona marayo in la maal-geliyo shaqaalaha

Waxaan rabnaa inaan kordhino joogtaynta dhanka daryeelka waayeelka si dadka waayeelka ah ay ula kulmaan shaqaalo tiro yar dhinaca adeegga guriga una helaan xanaano ammaan ah oo leh garasho badan iyo kalsooni. Taas waxaanu samaynaynaa iyadoo loo marayo in la xoojiyo doorka ku-xigenaada kalkaalisooyinka caafimaad iyadoo la sii fiicnaysiinayo shuruudaha, raad ku yeelasho weyn iyo maal-gelin mushahaaro gaar ah looguna talogalay ku-xigeenada kalkaalisooyinka caafimaad lehna mansab xirfadeed oo dhowrsan.

Doorashadii Sebtembar 13 waxaan raadinaynaa kalsoonidaada ah in la dhiso Västerås sii xoogaysata. Codkaagu wuxuu keenayaa isbaddal.

Mar walba waxaanu garab taaganahay dadka reer Västerås.